Dowladda Soomaaliya oo xabsi dhigtay boqor Cabdi Axmed Calas iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen Boqor Cabdi Axmed Cali oo loo yaqaan Cabdi Calas, kadib markii ay kasoo kaxeeyeen xaafadiisa.

Boqor Cabdi Calas ayaa lagu xeray saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen, iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay xariga loo geystay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in boqorka loo xeray wareysi uu Shalay siiyay Idaacadda Goobjoog, kaasi oo uu kaga hadlay dil shalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka, kaasi oo loo geytay ruux waday Mooto Bajaaj.

Wuxuu sheegay in isaga uu saarnaa Mootada, kadibna uu joojiyay askari goobta ku sugnaa, iyadoo askariga uu goobta ku toogtay wiilka dhalinyarada ahaa ee mootada waday, sida uu sheegay Boqor Cabdi Calas.

“SHalay Mootada anigaa saarnaa, askariga ayaa la joojiyay, wuxuu dhahay wiilka la dilay adeer maxaad iga rabtaa, kadiba xabad ayuu ku dhuftay” ayuu yiri Cabdi Calas, hadalkaasi oo loo malaynay in loo xiray.

Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo taliska ciidamada Booliska degmada ayaanan ka hadlin sababta Cabdi Axmed loo xiray iyo waxyaabaha laga doonayo.

Hoos ka dhageyso qeyb kamid ah wareysiga Boqor Cabdi Calas uu shalay bixiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com