Dowladda Soomaaliya oo xil sare u magacowday wiil uu dhalay Injineer Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xil u magacowday Maxamed Cabdiraxman Cumar Cismaan, oo ah wiil uu dhalay allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warqad kasoo baxday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maxamed loogu magacaabay inuu noqdo xoghayaha koowaad ee ergada Soomaaliya ee New York.

Warqaddan oo ku taariikheysan 30-ka October 2019, ayaa Caasimada Online u suurta-gashay inay hesho maanta, waxaana sax ahaanshaheeda ay ka xaqiijisay saddex mas’uul oo ka tirsan dowladda, oo aad la isugu haleyn karo.

Hoos ka aqriso warqadda