DP World oo dekad cusub ka dhiseysa Somalia xilli uu BF ka mamnuucay dalka

Berbera (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdulalahi Ismaaciil seylici iyo Xubno Wasiiro ah oo la socda ayaa waxa ay gaareen Magaalda Berbera,iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan munaasabad lagu dhagax dhigayo dhismaha dekad labaad oo laga dhisayo Magaladaas,isla markaana ay dhiseyso shirkada DP World.

Dekadaan labaad oo Berbera ay ka dhiseyso Shirkada DP World ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii Soomaaliland iyo DP World ay horay u kala saxiixdeen,waxana munaasabada ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Muuse Biixi balse ay wax isbedeleen.

Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka imaaraadka Carabta ayaa horay looga mamnuucay Soomaaliya inay ka Shaqeyso,waxaana haatan ay si buuxda u maamushaa dekadaha Berbera iyo boosaaso ee Maamulka Puntland.

Waxaa meel xun gaaray xiriirka ka dhaxeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta kadib kacdoonkii ay Dowladaha Khaliijka ku qaadeen Qatar markaas oo ay Soomaaliya sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli saxiixin go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay shirkaddaas kaga mamnuuceen Soomaaliya iyadoo aan weli faahfaahin laga helin sababta uuu saxiixi waayey.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shalay u ambabaxay dalka Sacuudiga waxaana laga yaabaa inay Sacuudiga dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com