Sawirrada iyo magacyada saraakiisha Sacuudiyaanka ee loo haysto dilka Jamaal Khashoggi oo la shaaciyey

Ankara (Caasimadda Online) – Saxaafadda Turkiga ayaa shaacisay sawirrada 15 sarkaal oo Sacuudiyaan ah kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen in la waayo qoraaga caanka ah ee Sacuudiga Jamaal Khashogi oo Talaadadii 2-da Bishan lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Muuqaalada iyo magacyada Saraakiisha Sacuudiga oo gaaraya 15 ayaa laba diyaaradood ku tegay magaalada Istanbuul isla maalintii la waayey Qoraaga Jamaal Khashogi, waxayna isla maalintaas ka duuleen magaalada iyadoo ku kala laabtay Sacuudiga, markii ay sii mareen Qaahira iyo Dubai.

Waxaa raggan loo heysaa inay ka danbeeyeen dilka Qoraaga iyo wixii ku dhacay, iyadoo uu socdo baaritaanka halkii uu ku danbeeyay Qoraaga oo si weyn looga hadal hayo dunida oo dhan, iyadoo lagu wado in warbixin rasmi ah ay soo saarto dowladda Turkiga.

Faafinta magacyada iyo muuqaalada raggan lagu tuhusan yahay inay yihiin kooxdii geysatay wixii ku dhacay qoraaga oo dhaliili jiray madaxda Boqortooyada ayaa jug kale ku ah Sacuudiga oo tuhunka dilka qoraaga uu saaran yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com