Wararkii ugu dambeeyey shirka Garowe ee madaxda maamul gobolleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu Maanta ka furmo halkaas  kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka.

Kulankaas oo Maanta la filayey ayaa baaqday iyadoo ay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay ku maqan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan , sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online inkastoo laga cabsi qabo inuusan xataa waqtigaas dhicin cadaadis jiro awgeed.

Wakiilada beesha caalamka oo madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka.

Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe.

Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo.

Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle.

Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle.

Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com