Imaaraadka oo ku faanay inay DF ka caawisay arrin aan hadda ka hor la maqlin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Anwar bin Mohammed Gargash oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta oo ka hadlay kulan looga hadlayay la dagaalanka waxa looga yeero Argagixisada ayaa sheegay in Door wanaagsan ay ka qaateen.

Iyaga oo Kaashanaya Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar ayuu Dr.Gargaash sheegay in Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen Howlgalkaas.

Waxa uu tilmaamay in aan Saameyn reebin Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay la dagaalaan Isbaheysigooda.

“Kulanka hogaamiyaasha Maanta waa Hogaamiyaasha Berri” ayuu tiri Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka.

“Dhalinyarada waa Mustaqbalka Madaxda Dalalkooda, Mas’uuliyadeena waa in aan sii wadnaa Kaalmada iyo Garab istaagga Gudaha iyo Dibadda” ayuu sii raaciyay.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxaan awoodda Saarnaa in Hogaanka Dalalka dhibaatooyinka ka jira ay gaaraan awood ay kula dagaalamaan Argagixisada”.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Dr.Anwar Bin Mohamed Gargash ayaa talo uu u jeediyay ku sheegay in habka kaliya looga guuleysan karo Argagixisada dibadda ay tahay in marka hore la cadaadiyo oo la baabi’iyo tan Gudaha.

Imaaraatka Carabka ayaa Soomaaliya u tababaray Ciidamo dhowr Dufco ah, waxaana dalka ay ka baxeen Macalimiintii ka socotay iyaga oo qaarkood u wada tababar, kadib Xiriirka Labada Dal oo gaaray Meesha ugu hooseysa, ugu dambeyn waxa ay ka baxeen Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com