28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

DP World oo si toos ah isugu xirtay Dubai iyo Soomaaliya – Qorshe halis ku ah Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) — Shirkadda caalamiga ah ee dekedaha ka shaqeysa ee DP World ayaa daahfurtay adeeg cusub oo maraakiibta xamuulka ah, kaasoo isku xiraya xarunteeda Jebel Ali ee Dubai iyo dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera, Soomaaliya.

Waddadan cusub ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu xoojiyo ganacsiga u dhexeeya Khaliijka iyo Bariga Afrika, iyadoo bixinaysa marin tartan adag geli kara oo loo maro Ethiopia iyo guud ahaan gobolka.

Adeeggan oo shaqayn doona 9-kii maalmoodba mar, ayaa tallaabo muhiim ah u ah sidii loo dhisi lahaa marin-ganacsiyeedka Berbera oo noqda mid la tartami kara dekedda Djibouti, oo muddo dheer gacanta ku haysay saadka gobolka.

Tan iyo markii ay DP World bilowday hawlgallada dekedda sanadkii 2017, shirkaddu waxay sheegtay in wax-soo-saarka maraakiibta ee dekedda Soomaaliya uu kordhay 450 boqolkiiba.

Baddal istiraatiiji ah 

Qiimaha ugu weyn ee waddadan ayaa ah inay abuurto xiriir badeed oo toos ah oo ka dhaqso badan oo lala yeesho gobolka Somaliland ee sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay.

Laga bilaabo Berbera, xamuulka waxaa dhulka la marin karaa ilaa dalka aan badda lahayn ee Ethiopia, taasoo abuuraysa silsilad sahay oo cusub oo loogu talagalay dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ahna suuq muhiim u ah macaamiisha.

Dekedda Berbera waxay ku taallaa Somaliland, oo ku dhawaaqday in ay madaxbannaani ka qaadatay Soomaaliya sanadkii 1991 balse aan helin aqoonsi caalami ah. Sida uu sheegay Bangiga Adduunka, in ka badan 95 boqolkiiba ganacsiga baaxadda leh ee wax-dhoofinta iyo soo-dejinta Ethiopia ayaa hadda mara dekedda Djibouti.

Marin-ganacsiyeedka cusub ee Berbera ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaallada gobolka ee lagu kala duwayo waddooyinkan ganacsi ee muhiimka ah.

“Adeegga isku xira Jebel Ali iyo Berbera wuxuu sii kaabayaa dadaalka maalgashi ee DP World ay ka waddo Afrika,” ayuu yiri Ganesh Raj, oo ah madaxa hawlgallada ee shirkadda. Wuxuu intaas ku daray in adeeggu uu xoojin doono isku xirnaanta iyo “korna u qaadi doono xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika.”

DP World waxay sheegtay in waddadan cusub ay suuragelinayso waqtiyo safar oo la sii saadaalin karo ayna yaraynayso saamaynta ciriiriga gobolka. Mas’uuliyiinta Dekedda Jabuuti kama aysan jawaabin su’aalo email loogu diray oo looga codsanayay inay ka hadlaan adeeggan cusub ee la tartamaya.

Maalgashi balaayiin dollar ah

Waddadan badeed waxaa xoojinaya horumarin ballaaran oo kaabayaasha dhaqaalaha ah oo laga sameeyay Berbera iyo marinka dhulka ee isku xira Ethiopia. DP World waxay si weyn u ballaarisay dekedda, iyadoo ku dartay marsa 400-mitir ah oo qaabili kara qaar ka mid ah maraakiibta ugu waaweyn adduunka iyo terminal casri ah oo loogu talagalay konteenarrada.

Terminalku wuxuu hadda leeyahay awood sanadeed oo dhan 500,000 TEUs (oo u dhiganta konteenar 20 feet ah). Waxaa la qorsheynayaa in la afar-jibaaro oo la gaarsiiyo 2 milyan oo TEUs. Berbera waxay sidoo kale sanadkiiba ka dhoofisaa in ka badan 4 milyan oo neef oo xoolo ah—waa ganacsi qiimihiisu ka badan yahay $1 bilyan oo dollar.

DP World waxay ilaa hadda ku maalgashatay Afrika ku dhowaad $3 bilyan oo dollar, waxayna ballanqaadday $3 bilyan oo kale oo loogu talagalay mashaariicda dekedaha iyo saadka saddexda ilaa shanta sano ee soo socota. Maalgashiyadeedu waxay isugu jiraan kuwa ay ka samaysay Rwanda sida Kigali Logistics Platform ilaa Marinka Maputo ee Mozambique.

“Daahfurka marinkan cusub waa guul taariikhi ah oo ka mid ah himiladeena ah inaan dhisno waddooyin ganacsi oo ka dhaqso, ammaan, iyo kalsooni badan,” ayuu yiri Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta ee DP World Geeska Afrika.

Suurtagalnimada mashruuca waxaa kor u qaaday dayactir lagu sameeyay waddada dhererkeedu yahay 250-ka kiilomitir ee isku xirta Berbera iyo xudduudda Ethiopia.

Sida ay sheegtay hay’adda TradeMark Africa, hagaajintan—oo ay taageerayaan Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi (Abu Dhabi Fund for Development) iyo Boqortooyada Midowday (United Kingdom)—ayaa muhiim u ah in la hubiyo in gaadiidka dhulka uu la jaanqaado hufnaanta cusub ee dekedda.

- Advertisement -

Read more

Local News