Dr. Gaboose oo ka hor-yimid madaxweyne BIIXI, kana deyriyay xaalka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Dr Maxamed Cabdi (Gaboose), horena u ahaa Wasiirkii arimaha guddaha Somaliland ayaa maanta waxa uu si adag uga hadlay xaalka gudaha Somaliland iyo hogaaminta Biixi,

Maxamed Gaboose ayaa si weyn u dhaliilay hab maamulka Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, isagoona hoosta ka xariiqay in Somaliland ay maamusho koox ka kooban labo beelood oo keliya.

Gaboose ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in hadii aan wax laga qaban xaalka Somaliland, in ay dadku halis ugu jiraan inay sii kala fogaadaan.

Siyaasi Dr Maxamed Cabdi (Gaboose), oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay mareyso meeshii ugu xumeyd, loona baahanyahay in wax laga qabto, wuxuuna yiri

“Waxaan diiddanahay Maamul-xumida Maanta dalka ka jirta iyo Cidhib-xumadeeda dambe, Sawirka guud ee dalku halka uu Maanta marayo maaha mid qurxoon, waxaanu dib ii xasuusiyey Midhihii ka dhashay Talo-xumadii Lixdankii, sidii bilaa gor-gortanka ahayd ee labadii dhinac ee midoobay dhinicii kale ay dhammaan Mansabyadii iyo Manfacii Dawladnimada, jawaabtii baadi-goobkaasi waxay noqotay inaan Talo iyo Quluub midaysan lala tagin”.

“Ifafaalaha imika ii muuqdaa wuxuu i tusayaa Talo xumo iyo kala qaybsanaan ka qoto-dheer tii hore, lagana yaabo in Maxsuulkeedu ka cidhib xumaado tii lixdankii haddaan la dabo-qaban oo aan Eebbe caymin”.

“Nasiib-darro, in muddo ahba waxa ka hano-qaaday Geyigayaga siyaasad kooxaysan oo ku qotonta kala qaybinta iyo kala irdhaynta Ummadda Walaalaha ah, Kooxdani waxay ku adeeganayaan Isbahaysiga siyaasadeed ee Jeegaamaysan oo ah Shaadh ay keligood ku macaashaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ku nuux-nuuxsanayaa in beelaha ay ka soo jeedaan aan marnaba loo aanayn karin Eraygaas iyo siyaasadda Guracan ee ay Hal-abuurkeeda leeyihiin. Badanaa, inta Hal-door Milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda Beelahaas oo Karaamo iyo Waxqabad Ummadda u soo kordhin lahaa Xayndaabka siyaasadda looga tuuray in aanay la aragti ahayn”.

“Waxaynu ogsoon nahay in Nuxurkii Halgankii adkaa iyo Curashadii Somaliland ujeeddadeedu ahayd inay Dalkeena ka suusho Caddaalad-darradii iyo Dulmigii Midabbada badnaa ee ina soo maray,  mid shakhsi iyo mid deegaan, lana dhiso Bulsho-weynta Somaliland ee Bari iyo Galbeed oo nabdoon oo meelna u wada jeeda”.

Dr Gaboose ayaa ugu dambeeyntiina waxa uu talooyin dhowr ah u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, waxayna u dhignaayen sidan:

1. Waxaan soo jeedinayaa Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid.
2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari ka kacay Jananka Ciidamada Qaranka.
3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, Selel Sool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la’aantood aanay jiri karin Somaliland.
4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto.
5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii.
6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda.
7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa’iidaysto turxaan bixinta beelaha.
8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa