DUCAALE oo ka warramay baxsashadii JANAN iyo jidadka xiran ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo wareysi siiyey teleefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin basashadii wasiir Janan iyo wadooyinka weli xiran ee Muqdisho.

Ducaale ayaa wareysigaan ku sheegay in dowladda dhexe ay baaris ku heyso, sidii uu u baxsaday wasiirka amniga Jubbaland oo 28-kii bishii hore ka baxsay halkii uu ku xirnaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inay eegi doonaan waxyaabihii fudeeyey inuu Janan gaaro magaalada Kismaayo, kana fakado ganta dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray suurta galnimada in xubno ku jira dowladda ay gacan siiyeen eedeysanaha, wuxuuna markale Kenya ka dalbaday inay soo gacan geliso.

Dhinaca kale wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo qaaday arrimo ku aadan xirnaashasha wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya ay wado ay qorshe dib ugu fureyso jidadkaas oo uu tilmaamay in culeys lagu qabo.

Waxa kale uu intaasi iku daray in isbadal dhanka amniga ah ay soo kordhiyeen xirnaanshaha jidadka, islamarkaana ay yaraadeen qaraxyada, siduu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhowaan la qaadayo dhagxaanta lagu jaray wadooyinka, islamarkaana la geynayo koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.