Turkiga oo lagu eedeeyey in uu taageero kooxaha xagjirka ah ee Somalia iyo Liibiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa eedemo culus u jeedisay Turkiga, waxaana ay sheegtay inuu teegeero u fidiyo maleeshiyaadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama dalalka Soomaaliya iyo Libya

Caadil Al-Jubeyr oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga warramyey booqashadiisa caasimada Romania, Bucharest ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ka soo horjeedo duulaanka Turkiga ee wadanka Suuriya iyo taageerada uu u fidiyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Libya.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay dowladda Turkiga ay ka soo horjeedo xasiloonida dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Al-Jubeyr ayaa carabka ku goday inuu Turkiga taageeradiisa Soomaaliya haatan u leexiyey inuu caawiyo argagxisada.

“Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan maleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya”. ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu doonaayo inuu xasilooni daroka abuuro caalamka, isagoo taageerayo kooxaha ka soo horjeeda dowladdaha.

Dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa siyaasad ah si aad ah, isku haya, balse weli ma jiro wax jawaab ah oo xukuumadda Ankara ay bixisay eedeymaha loo jeediyey.