Odayaal iyo Ganacsato loo xiray ‘dhul xabaalo ah’ oo ay isku hayaan dowladda

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiga u taxaabtay Odayaal iyo Ganacsato badan oo ka soo horjeestay dhul banaan oo ku yaala Wajaale oo ay dhisaneysay Wasaarada Gaadiidku, kaasi oo ay ku sheegen inuu yahay ‘dhul xabaalo ah’.

Odayaashan iyo Ganacsatada ay xirtay Xukuumadu ayaa tiradoodu dhan tahay 19-qof, kuwaasi oo faraha ula tagay dhagaxaan ay Wasaarada Gadiidku ku soo rogatay dhulkaasi, oo ay ku doodayaan inuu yahay xabaalaha Wajaale.

Dadka la xidhay ee iskugu jira Odayaasha iyo Ganacsatada ayaa iyagu ka biyo diidan in dhulkaasi dhisato wasaarada Gaadiidku, iyagoona ka hor inta aan la xidhin warbaahinta ka sheegay in Xukuumadu ay iibineyso dhulkaasi.

Ganacsatada iyo Odayaashaasi ayaa hadda waxay ku xidhan yihiin oo loo dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Gabiley, kuwaasi oo u xiran khal-khal gelinta dhul ay wasaaradi dhisaneyso iyo eedeymo la xiriira faafinta warar been abuur ah.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta gobolka Gabiley oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhulkaasi la iibineyo, balse ay dhisaneyso Wasaarada Gaadiidka Somaliland, iyagoona carabka ku adkeeyay in sharciga la marin doono cidii xaalad abuur ka sameysa.

Muranka ka taagan dhulkaasi ay dhisaneyso wasaarada Gaadiidku ayaa soo shaac-baxay kadib markii Badhasaabka gobolka Gabiley uu shaqadii ka joojiyey Isu-duwaha wasaarada Howlaha guud iyo guryeynta ee gobolka Gabiley, Cabdi Cali Cilmi, oo is hortaag ku sameeyay qorshaha ay dhulkaasi ku dhisaneyso wasaarada Gaadiidku.