Maareeye oo WEERAR ku qaaday hobollada Waaberi iyo khilaaf meel xun gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaaray khilaaf ka dhex oogan wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo hobollada qaranka ee Waaberi.

Khilaafkan ayaa soo shaac baxay khamiistii, markii muuqaal ay soo duubeen qaar ka mid ah hobollada ay ku sheegeen in agaasimaha maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabduqaadir Cabdi Yuusuf Shubbe iyo xubno ka mid ah hobollada laga celiyey xarunta wasaaradda warfaafinta, islamarkaana Maareeye amray in agaasimaha uusan soo geli karin xarunta wasaaradda.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Oday Cabdulle oo ku hadlay magaca hobollada ayaa si carro leh u sheegay in Maareeye uu meel uga dhacay hobollada qaranka, sharaftana ka qaaday.

Waxay sidoo kale Maareeye ku eedeeyeen inuu haysto, islamarkaana diiday in hobollada uu siiyo qalab ay usoo iibisay dowladda.

Maareeye ayaa qoraal jawaab ah oo uu soo saaray waxa uu Abwaan Shubbe u sheegay in shaqadiisa tahay xarunta tiyaatarka qaranka loogana baahan yahay inuu ku mashquulo, oo uu xoogga saaro.

Waxa uu sidoo kale weerar culus ku qaaday hobollada Waabeeri qaarkood oo uu sheegay “inay bil walba dowladda ka qaataan lacag ku dhown kun dollar, haddana aysan wax shaqo ah u qaban, oo shaqadooda ay ka dhuuntaan.”

“Taa beddelkeed waxay 200 dollar ugu shaqeeyaanw warbaahi gaar loo leeyahay. Waa ay dhammaatay xilligii isla xisaab la’aanta,” ayuu yiri Maareeye.

Hoos ka aqriso qoraalka Maareeye