Dunida Islaamka oo jawaab ka bixisay aflagaado cusub oo loo gaystay Nebiga NNKH

New Delhi (Caasimada Online) – Dalalka Islaamka ayaa si caro leh uga jawaabay aflaagado ay Nebiga NKKH u gaysteen xubno ka tirsan xisbiga haya talada dalka India ee Bharatiya Janata Party (BJP).

Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xisbiga ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood. 

Dalal badan oo Carbeed ayaa u yeeray safiirada India, halka wasaaradda arrimaha dibedda Pakiustan ay war-saxaafadeed ku cambaareysay hadalladan sidan weyn gefka u ah iyo jawaabta BJP. 

“Hadalladan aan gebi ahaanba la aqbali karin, ma aysan dhaawicin kaliya dareenka dadka Pakistan balse waxay dhaawaceen dareenka balaayin Muslimiin ah oo caalamka ku nool,” ayaa lagu yeeray war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda Qatrar ayaa u yeertay safiirka India una gudbisay qoraal rasmi ah oo ay ku muujineyso sida ay dowladda Qatar “uga niyad jabtay, u diidan tahay una cambaareyneyso hadalladan.” 

“Dowladda Qatar waxay ugu baaqeysaa dowladda India inay si deg deg ah u cambaareyso hadalladan, si shaacsanna uga raali-geliso dhammaan Muslimiinta caalamka,” ayuu yiri Majed Mohammed Al Ansari oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar. 

Dowladda Kuwait ayaa sidoo kale u yeertay safiirka India, waxayna sheegtay inay u gacan gelisay qoraal rasmi oo cabasho ah, oo Kuwait ay ku diiday kuna cambaareyneyso hadallada sarkaalka ka tirsan BJP.

Dhanka kale, guddoomiyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

“Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sameeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NNKH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi. 

Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa dhankiisana sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP. 

Dowladda Sacuudiga ayaa hadallada afhayeenka BJP ku qeexday aflagaado cad, waxayna dalbatay in la ixtiraamo diimaha oo idil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. 

Sida uu ku warramay Taleefishinka Al-Jazeera, Xisbiga BJP ayaa horey uga faa’iideystay siyaasad ahaan inuu qaado talalabooyin ka dhan ah muslimiinta India, ayada oo lagu yaqaan siyaasad Muslim naceyb ah oo ku dhisan sareynta Hindu-ga. 

Hase yeeshee, hadallada ka dhanka ah Nebiga NNKH ayaa dhaliyey caro caalami ah, oo hadda India ay bixineyso qiimahooda. 

Dhinaca kale, shacabka dalalka Islaamka qaarkood ayaa billaabay olole ka socda baraha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dhammaan badeecadaha ay soo saarto India.