Duqa Muqdisho oo raali gelin u diray xildhibaanada BF Somalia, sabab?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya ka raali geliyay hadal uu dhawaan jeediyay oo ku saabsanaa inuu ka shaqeyn la’yahay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno Wasiiro ah.

Yariisow oo Bartiisa Facebook ku soo qoray Qoraal kooban ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadal uu dhawaan siiyay Warbaahinta, sidaas darteedna uu ka raali gelinayo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xildhibaanada Sharafta leh ee BFS waxaan ka raali gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedku ahaa inaan shacabka waqti badan u helo” sidaas waxaa Bartiisa Facebook ku soo qoray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Yariisow.

Wax faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin guddoomiye Yariisow caqabada keentay in Xildhibaannada uu raali gelin siiyo kadib hadalkii ka soo baxay marka laga reebo in sixun hadalkaasi loo fasiray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com