Video: Muxuu yahay qorshaha Imaaraadka ee ciidamada uu geeyey jaziiradda u dhow Somalia?

Socotra (Caasimadda Online) – Calanka Emirate-ka Carabta ayaa laga taagay dhismayaasha dowlada Yemen ku leedahay deekaanka Socotra oo ah jasiirad u dhow Xeebta Waqooyi Bari Soomaaliya oo ah goob ah hay’ada UNESCO ku dartay goobaha taariikhiga ah, waxayna Soomaaliya u jirtaa 80 km/

Dadka deekaanka waxay u arkaan awooda Emirate-ka daafaha caalamka ku baaheyso inay si xawli ah ku socoto xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa sheegay talaabooyinka dowlidiisa Emirate-ka qaadeyso ay tahay ka hortaga halista xukumadiisa soo wajihi karto.

Sida sharciga ah ee la wada ogyahay Emirate-ka waxay heshiis is xulafeysi kula jiraan Sacuudiga oo dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta gudaha Yemen ka wadaan.

Laakiin Emirate-ka Koonfurta Yemen si gaar ah ayay kaga hawl galayaan haatana waxay sal dhigteen qaybta ugu balaaran koonfurta Yemen gaar ahaan magaalada Socotra.

Emirate-ka kaliya Koonfurta Yemen iskuma balaarin laakiin waxay hawl galkooda military ku baahinayeen badda cass isku gudubkeeda iyo geeska Afrika.

Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxay Emirate-ka Ciidan u geenayaan Socotra iyo meelo kale?

Halkaan hoose ka daawo dood ay arrintaan ka sameysay Al-jazeera.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com