Duqeymo culus oo xalay lala beegsaday Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo-wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay afar duqeymood laga fuliyay degmada Saakoow iyo deegaanka Salagle ee gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo sidoo kalena la burburiyay xarun lagu sameeyo qaraxyada, sida ay ku warrameen ilaha amni.

Duqeymahan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee cidiamada Mareykanka u qaabilsan Africa. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawr jug oo culus.

Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa rumeysan in duqeymahan ay yihiin kuwii ugu cuslaa ee Al-Shabaab ee lala beegsado tan iyo markii ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo gaaray 700 badankood lagu saaray amar kasoo baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden la wareegay talada dalkaas iyo kadib tallaabadii lagu saaray ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya lama fulin hawlgal kan ka ballaaran, waxayna muujinaysaa in maamulka cusub ee Maraykanku uusan waxba ka beddelin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu gacan-siinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab looga dilay duqeymahan balse ilo-wareedyada amniga ayaa rumeysan inay aad u badan yihiin.