Ciidamada Amisom oo isku hareereeyey xarunta deg. Buulo-Burte + Sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo maamulka Buulo-Burte ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada AMISOM ay isku hareereeyeen xarunta degmada, iyada oo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan taliska ciidamada Jabuuti lagu arkay waddooyinka soo gala xarunta demada Buulo-Burte.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo taabacsan guddoomiyaha degmadaasi Feysal Haajir Aadan ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmada.

Xiisadan ayaa timid ka gadaal markii guddoomiye Feysal Haajir uu ku eedeeyey saraakiisha ciidamada Jabuuti inay faro-gelin maaliyadeed ku hayaan maamulkiisa.

Dadka deegaanka ayaa haatan cabsi ka muujinayo in dagaal culus uu ka qarxo degmada, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan xiisadda ka aloolsan Buulo-Burte.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa sii xumaanayey wada-shaqeynta maamulka Buulo-Burte kala dhexeysa ciidamada Jabuuti ee ka howl-gala magaaladaasi.