Dowladda oo ku adkeysatay in shirka 15-ka Febraayo uu ka dhacayo GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda mudo xileedku ka dhamaaday ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa mar kale ku celiyey inay muhiim tahay in la isugu yimaado shirka 15-ka bishan uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maaxmed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiir Dubbe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan horay uga fileyn hadaladii ka soo yeeray Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in la bedelo goobta uu Madaxweyne Farmaajo u iclaamiyey in lagu qabto shirkaas.

“Waxaa soo baxaya hadallo aanaa fileyn oo ah in la bedelo goobtii uu maadxweynuhu ku baaqay in lagu qabto shirka, oo ah caasimada Puntland ee Garowe oo ah magaalo nabad ah, waxaan rabnaa in dalka doorasho ka dhacdo, iyadoo la hir-gelinayo heshiiskii 17-kii September,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay tixgelinayaan baaqii kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo ahaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay isugu yimaadaan shir deg deg ah, si xal looga gaaro khilaafka hareeyey doorashada.

“Waxaan tixgelineynaa baaqii nooga yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ah hey’adda ugu sareysa dunida ee dhinacyada amniga iyo sharciga, oo nagula taliyey in la isugu yimaado shirar dambe si doorashada looga heshiiyo” ayuu yiri Dubbe.

Waxuu intaas ku sii daray, “Maanta uma baahnin cagajiid dambe, waxaan fileynaa in sidii doorashada looga cagajiidayey lixdii bilood ee lasoo dhaafay weli looga cagajiidayo,  laakiin madaxda dowladda  federaalka waxaa ka go’an in shir la isugu yimaado, oo Garowe la isugu tago 15 bishan, si dalku doorasho u aado.”

Maamulka Puntland oo ka soo jawaabay shirka uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaciyey inaan laga tala gelin marti-gelinta shirkaas, iyadoo Puntland ku talisay in shirka la balariyo oo lagu qabto Muqdisho, waxaana taladaas ku raacay Jubbaland, Golaha Midowga Mushaxariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Hoos ka Daawo hadalka wasiir Dubbe