Muqdisho: Xarun degmo oo la xiray kadib xogta weerar Al-Shabaab qorsheyneyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kuwa amniga ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la xiray guud ahaan xarunta degmada Kaxda, ee magaalada Muqdisho, muddo hadda laga joogo ku dhowaad 15 maalmood. 

Sababta loo xiray xarunta islamarkaana loo fasaxay shaqaalihii ku sugnaa ayaa lagu sheegay in cabsi laga qabo weerar ay Al-Shabaab halkaas ku soo qaadaan. 

Saraakiisha amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ilo sirdoon ay sheegeen in Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay weeraraan xarunta degmada oo aan laheyn difaacyo adag iyo ciidan ku filan, balse ka mid ah degmooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho. 

“Muddo ku dhow maalmood laguma shaqeynin waxaana jiro warar sheegaya in Al-Shabaab weerar ku soo yihiin,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta degmada oo la hadlay Caasimada Online. 

Qaar ka mid ah shacabka degmada ayaa sheegay in si weyn looga dareemay degmada arrimahaan soo cusboonaaday mana jirto wax faah-faahin ah oo ay bixiyeen hay’adaha ammaanka iyo maamulka degmada. 

Kaxda waa degmadii ugu dambeysay ee Muqdisho inkastoo ay soo koreyso haddane waxaa ka jira gaabis dhanka ammaanka ah, waxaana dayacaada ugu weyn wajahaya Saldhiga Booliska iyo xarunta degmada.