Duqeyn lala eegtay xarun degmo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe Muxyadiin Maxamuud Kulmiye ayaa faahfaahin dheeraad ah ah ka bixiyay duqeymo Arbacadii ka dhacay gudaha degmadaas iyo deegaanada hoostaga.

Muxyadiin oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah looa beegsaday xarunta degmada Ruun-nirgood, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in halkaas lagu gaarsiiyay jab xoogan iyo khasaare kala duwan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la beegsanayay ay degmada ku qaadayeen lacag, taas oo ay ka aruurinayeen shacabka degaanka iyo gaadiidka isticmaala halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday degmada Ruun-nirgood waxaa lala beegsaday nimanka Khawaarijta ah waxaa lagula beegsaday gudaha degmada, ayaga oo joogo xarunta degmada oo dhaqaalihii uga qaadayo shacabka iyo gadadiidka” ayuu yiri guddoomye Muxyadiin Kulmiye.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Howlgal laga soo shaqeeyay oo la’iska kaashaday ayuu ahaa marka si rasmi ah ayaa Khawaarijta loola beegsaday”.

Guddoomiyaha dgemada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan cirka ah lagu lagu dilay xubna Shabaab ahaa, laguna dhaawacay kuwa kale.

“Nimanka wa ku jabeen duqeynta, waxaana gaaray dhaawac badan iyo dhimasho intaba waa ku dhacday” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aaga degmada Ruun-nirgoodiyo dhilka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Si kastaba, Ruun-nirgood ayaa waxaa marar badan isku bed-bedalay ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo ka dhacay gudaha degmadaasi.