Sawirro: Xasan oo u baxay safar dibadeed + Qorshaha

Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Tansaaniya ee Daaru-salaam.

Madaxweynaha ayaa halkaas oo xarun u ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal.

Qodobada ay wadahadalkooda diiradda ku saari doonaan labada madaxweyen waxaa  ka mid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tansaaniya ay ka mid ahaayeen dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Daaru-salaam waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadli doona madaxda uu la kulmayo xiriirka, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.