Duuliyihii diyaaradda shirkadda Daallo oo XOG yaab leh ka bixiyay amniga garoonka Muqdisho!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo waxii ka dambeeyay markii Tallaadadii lasoo dhaafay qarax uu ka dhacay diyaarada Daallo Airline ayaa waxaa soo baxayay shakiyo badan oo ku aadan cidda falkaasi ka dambeeyay.

Wadaha diyaaradaasi ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho & qaraxa ka dhacay diyaarada Daallo Airline.

Duuliyihii dayaaradda Daallo ee dhowaan hawada iyada oo mareysa qaraxu uu ka dhex dhacay, ayaa ku tilmaamay amniga garoonka dayaaradaha ee Muqdisho in uu yahay Eber ama Zero.

Shaqaalihii iyo rakaabkiiba waa ay ka badbaadeen qaraxa, marka laga reebo hal qof oo ka soo dhacay dayaaradda.

Asaga oo magaalada Belgrade ugu warramaya AP wuxuu yiri: “Markii aan garoonka Muqdisho soo cagadhigannay, waxaa soo yaacay 20 ilaa 30 ruux oo soo ag dhoobtay dayaaradda. Dadkaas oo aan xirneyn calaamad lagu aqoonsado waxay galayeen dayaaradda oo haddana ay ka soo baxayeen”

“Qofna ma oga waxa uu qofka kale yahay Wixii ay doonaan ayay dayaaradda dhex dhigi kareen markii ay rakaabku ka degeen”ayuu yiri duuliyaha diyaarada Daallo Airline.

Kiiska qaraxii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa yeeshay micnooyin badan, waxaana soo bahaya tuhunno badan oo ku saabsan qaraxa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com