Xasan Sheikh oo amar culus siiyey xubnaha DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in madaxda Soomaalida looga baahan yahay iney u hogaansamaan amarada dhinaca amaanka ee lagu xaqiijinayo amniga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo hadalkaan ka jeedinayay Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay in madaxda Soomaalida looga baahan yahay iney noqdaan hogaan looga daydo xaqiijinta dhanka amaanka.

Wuxuu tusaale usoo qaatay marka madaxda ay ka duulayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho in looga baahan yahay madaxdu iney maraann baaritaanka dhinaca amaanka iyaga furayo suumankooda si Scan loo marsiiyo.

Arintaasi ayuu sheegay iney qeyb weyn ka qaadan doonto in shacabka ay heleen kalsooni buuxda oo dhankooda amniga ay kaga qeyb qaadanayaan, laga guuleysan karo dadka falalka amni darada geysanaya.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo qaar kamid ah xubnaha dowlada aan wax baaritaan ah lagu sameyn marka garoonka ay galayaan kana duulayaan, taasi oo xitaa mararka qaar sababta in dadka badan ee la socdo madaxda aan la baarin.

Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn baaritaan kaga waddo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, maadaama qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo Airline kaasi oo ay fududeeyeen waxyaabaha loo adeegsaday qaar kamid ah shaqaalaha garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com