Guuleed oo Axmed Madoobe la wadaagay qorshe uu ka damacsan yahay Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu horreyn Cabdikariin Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee waddanka iyo midda Jubbaland oo la filayo inay howlgallo ka billowdaan.

Intaasi kadib ergeyga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe la wadaagay qorshe uu ka damacsan yahay Jubbaland, oo uu dhowaan ku tegi doono safar shaqo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u sheegay madaxweynaha Jubbaland inuu socdaalkiisa ku qotomo si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Hoggaamiyaha Jubbaland oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dadaalka uu wado xafiiska ergeyga, isaga oo shaaciyay inuu la shaqeyn doono.

Sidoo kale waxa uu u muujiyay garab istaag buuxa, taas oo uu Guleed uga mahadceliyay madaxweynaha uga mahadceliyay, maadaama uu aqbalay qorsha uu wado xafiiskiisa.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo kulamo ka duwan la qaatay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa ururada bulshada rayidka ah.

Horay ergey Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen.

Kualmadaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray booqashadiisa ku aadan deegaanada dowlad-goboleedyada, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulladaaasi ee ku aadan sida loo wajahayo wada-hadallada Somaaliya iyo Somaliland.

Dhanka jae, Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba,dowlada dhexe ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabto Somaliland.