Maxay tahay wadada cusub ee maanta ay jeexday DF ee bedelaysa 4.5?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaaciyay in la jeexay waddo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib si daah-furan loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda, taasi oo muujineysa in hadda aynu kasii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qeybsan jiray.

“Waxaa rejaynayaa in aan ka baxno dhibaatooyinka 4.5 oo runtii dabar adag oo cadaalad aan laheyn oo bir ah ku haya shacabka Soomaaliyeed, waxaa looga bixi kara in wixii fursad ah ee jira in loo tartamo si hufnaan leh, sida dastuurka uu qabo. Taas ayaa gaari doona oo dhisayna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah-furnaanta leh ee ay u maamuleen imtixaanka saddexdii kun ee macallin oo maanta si toos ah u soo gaba-gabeysay wasaaradda waxbarshada, hiddaha iyo tacliinta sare.

“Waa guul kale, tirada yar ha ka fiirin laakiin jihada aan u dhaqaaqnay waa kii saxda ahaa, markaas waa guul kale oo lagu farxo. Macallimiinta waxaa saaran masuuliyad weyn oo waxaa idin sugeysa afartaas milyan, magaalooyinka, tuullooyinka ama guryaha ayay iska joogaan, marka waa in aad ogaata in masuuliyadda maanta lagu saaray ay tahay mid qaran, una diyaar garow macallimow sidii aad masuuliyadaas uga soo bixi laheyd.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hadafka xukuumadda Dan-Qaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la-dagaalanka jahliga, sidaas darteed ay dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato, kuwaasi oo ka haw-lgeli doona gobollada dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.

Si kastaba, Xukuumadda Dan-Qaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah-furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay.