Ergeygii Midowga Yurub ee Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magacabaay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya, waxaana loo dhiibay Tiina Intelmann oo aheyd danjirihii Estonia ee boqortooyada UK.

Tiina ayaa hoggaamin doonto shaqada laga bilaabo bishan September, waxaana ay xafiiska kala wareegeysaa Nicalos Berlang oo xafiiska joogay muddo saddex sano ah.

Sidoo kale ergeygii hore ee Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xaflad sagaatin ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, maadaama u dhammaaday muddo xileedkiisa.

Ergeyga cusub oo hadal kooban siisay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonto, iyada oo kaashaneyso UN-ka iyo Ururka Midowga Afrika.

“Midowga Yurub wuxuu la kaashanayaa ururada sida UN -ka iyo Midowga Afrika si loo xoojiyo qaab -dhismeedka qaranka iyo hagaajinta amniga Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka caawinaya la -dagaallanka burcad badeedda iyo argagixisada,” ayay tiri Tiina Intelmann.

Waxa kale oo intaasi raacisay “Midowga Yurub waa deeq -bixiye muhiim u ah Soomaaliya, hadday tahay iskaashiga horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo labadaba.”

Marka laga tego Tiina inay aheyd safiirkii hore ee Estonia u fadhisay UK, waxay ku biirtay wasaaradda arrimaha dibadda 1991, waxayna sidoo kale intii u dhexeysay 2014 illaa 2017,aheyd madaxa ergada Ururka Midowga Yurub ee wadanka Liberia.

Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee Vienna. Laga soo bilaabo Maarso 2005 ilaa 2011, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Qaramada Midoobay. Intelmann waxay ahayd safiirkii Estonia ee Israa’iil intii u dhaxaysay 2010 iyo 2011 waxayna noqotay safiirka Estonia ee Montenegro laga soo bilaabo Juun 2011. 12kii Disembar 2011, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.