Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrimo dhex-maray Ikraan, Fahad iyo Kulane

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa mar kale dowladda ka dalbatay in la cadeeyo kiiska gabadheeda oo meel loogu sheego nolol iyo geeri.

Hooyo Qaali ayaa sharaxaad dheer ka bixisay halka ay ku dhalatay gabadheeda Ikraan, halka ay wax ku baratay, goorta ay ku biirtay NISA iyo xogta ay siisay habeenkii ugu war-dambeysay ee la waayey.

“Waxaa jirtay inaan maalin soo wacay gabadheyda, waxay maalinkaas igu tiri Hooyo madaxaa i xanuunaaya oo waxaa iga soo xanaajiyey nin Kullane Jiis la yiraahdo oo hey’adda igala tirsan, oo i handaday, waxyaabo aana jecleysana i weydiiyey, markii iima aysan sheegin waxa uu weydiiyey oo ay ka xanaaqday, balse waxay igu tiri mar kale ayaan kuu sheegayaa,” ayuu yiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in habeenkii u dambeeyey ee looga wacay xarunta NISA ay gabadheeda kula hadashay Video-Call, isla markaana ay u sheegtay in xarunta looga yeeray gaarina loo soo diray.

Sidoo kale Hooyo Qaali waxay sheegtay in markii la eego halka ay deganeed gabadheeda iyo feejignaanta ay qabtay Ikraan markii ay dib u eego aysan suurta gal aheyn in Al-Shabaab ay u gacan gashay.

Markii la waayey gabadheeda kadib Hooyo Qaali waxay sheegtay in Fahad Yaasiin uu u yeeray oo markii ay la kulantay uu ku qanciyey in laba maalmood gudahood uu jawaab ka soo siin doono halka ay jirto gabadheedii Ikraan, balse taasi ma dhicin.

“Labadii beri ee Fahad Yaasiin qabsaday waxay qaadatay seddax bilood oo wax yar dhiman, waxaa iigu soo xigtay qoraalkii Facebookga ee lagu yiri gabadhii Shabaabaa dilay, wax caqliga gelaayana maahane gabadheydii hadey dileen meydkeedii ayaan ka rabaa,  hadii ay nooshahana ha ii soo daayeen,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Dhanka kale Maamada dhashay Ikraan ayaa ehbisay oo reerkiisa uga dacwootay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo reerka ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ku metela golaha shacabka, waxayna xildhibaanka ku eedeysay in kiiska gabadheeda uu xagal daacinayo.

Hoos ka daawo