HirShabelle oo war ka soo saartay weerarkii JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay weerar hoobiyeyaal ah oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaas halkaas oo laga dareemayo qaban-qaabada doorashada.

Hoobiyeyaasha ayaa qaarkood waxay ku kala dhaceen agagaarka dhismaha madaxtooyada HirShabelle, xaruntii hay’adda UNICEF iyo dugsiga Sheekh Xanafi iyo qeybo ka mid ah xaafadaha Horseed & Hanti-Wadaag oo ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga HirShabelle ayaa lagu sheegay in weerarkan uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana ay ku baxeen ciidanka amniga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ujeedka weerarkan uu ahaa in lagu carqaladeeyo amniga Jowhar oo maalmaha soo socdo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Aqalka Sare.

”Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeeyaan amniga caasimada HirShabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha amniga HirShabelle oo heegan ku jiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii ay kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay aasaaradda amniga maamulka HirShabelle.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa weli wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baad-goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Habeen hore ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay bartamaha Jowhar, waxaana ku dhaawacmay xildhibaano ka tirsan HirShabelle.

Si kastaba Jowhar ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud kala duwan, musharixiin iyo madaxda ugu sarreysa ee HirShabelle, kuwaas oo u diyaar garoobayo doorashooyinka.