Ethiopia oo jawaab lama filaan ah ka bixisay warar been ah oo laga sheegay ciidamada Liyuu Boolis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ay kala direyso ciidamada Liyuu Boolis ee maamulka Soomaalida Ethiopia.

Qorshaha lagu kala diraayo ciidamada oo leysku khilaafsan yahay ayaa muran ka dhex abuuray maamulka iyo dowlada kadib markii la sheegay in halis dhanka amaanka ah ay ka dhalankarto ciidamo tababaran oo lagu sii daayo magaalada.

Warar kaasi ka duwan oo kasoo baxay dowlada Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ay sii shaqeyn doonaan waxa ayna dowladu wax kama jiraan ku sheegtay wararka sheegaya in la kala diraayo ciidamada.

Dowladu waxa ay beenisay qoraalo kusoo baxay qaar kamid ah warbaahinta maxaliga oo qortay in guud ahaan la kala dirayo Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ee loo yaqaan Liyuu Booliska.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warkaasi markiisii hore kasoo xigtay telefashinka ETV oo laga leeyahay isla dalka Ethiopia, inkastoo markii danbe warkaasi dib looga laabtay.

Wargeyska Adis Standard oo soo xiganayo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Militariga Ethiopia ayaa sheegay in warkaasi uu been yahay markii horena laga qaatay ilo aan sax ahayn.

Saraakiisha Militariga Ethiopia ayaa sheegay in warkaas uusan laheyn masdar sax ah oo laga soo xiganaayo sidaa aawgeedna uusan waxba ka jirin.

Saraakiisha ayaa sheegay inay muhiim tahay in warbaahinta ay ka fiirsato warbixinada aan xaqiiqda ku saleysneen, sidoo kale Wargeyska Adis Standard ma sheegin magaca Sarkaalka ay ka soo xigteen beeninta hadalkan.

Sidoo kale, Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa wali ka howlgala ciidamada Liyuu Boolis oo shaki la galiyay sii shaqeyntooda mustaqbalka dhaw.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa inay gaarayan ku dhawaad 45,000 oo Askari.

Dhinaca kale, taliyaha Ciidanka Ethiopia ee Taliska Koofur Bari Jeneraal Belay Seyoum, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada Liyuu Boolis.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com