Fadeexad ka taagan bog ay leedahay QM oo Cabdi Iley lagu taageeray + Sababta

AdisAbaba (Caasimadda Online) – Bogga Twitter-ka ay ku leedahay ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa fadeexad ka dhatalay kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha ha’yadda uu kusoo bandhigay qoraallo uu kaga hadlayo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Qoraalka ayuu ku yiri: “Dadka dhibaatada ka wado dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa maalgelinaysaa dowladda federaalka Itoobiya”. Qofka kusoo qoray hadaladan ayaa intaasi ku daray in dadkaasi ay doonayaan inay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ay ka huriyaan dagaal qabaa’il islamarkaasna uu qorshuhu yahay in kicinta qabaa’ilka la doonayo in xilka looga tuuro Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa qoraalkan ka hor yimid qaar kamid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka oo sheegay inuusan xaq u lahayn qofkaasi in dowladda federaalka uu ku leexiyo rabshadihii ka dhacay dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Qoraalkan ha’yadda WHO wuxuu u horseeday in lagu eedeeyo inay faraha la gashay siyaasadda dalka Itoobiya.

Ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa ka qoomamaysay qoraalkan oo ay ku sheegtay inuu ka dambeeyay qof kamid ah shaqaalaheeda oo fikraddiisa ku cabbiray siyaasadda Itoobiya.

WHO waxay sidoo kale sheegtay in qoraalkani uu khalad yahay ayna baaritaanno ku samayn doonaan dhacdadaasi.

Ugu dambayn ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay arrimaha siyaasadda.

Dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay rabshado ay dad badna ku dhinteen kaddib markii militariga federaalka Itoobiya ay la wareegeen magaalada Jigjiga. Rabshadahaasi waxaa lagu gubay Kansiido iyo bililiqo loo gaystay bangiyo ku yaalla halkaasi.

Waxaa xilka ka degay madaxweynihii dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna xilka si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com