Ethiopia oo si aan laga fileynin uga hadashay Shirka Soomaalida ee London

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam ayaa ka hadlay Shirka Madaxda Qaranka iyo Maamul Goboleedyada uga furmaaya Magaalada London ee cariga dalka Britain.

Hailemariam, ayaa sheegay in shirka London uu ahmiyad u leeyaha Somalia, waxa uuna tilmaamay in natiijada kasoo bixi doonta shirka ay waxbadan u horseedi doonto Soomaalida.

Hailemariam, waxa uu sheegay inuu hubo in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhaqan galin doono qodobada kasoo baxa shirka ee anfaca u leh dowladiisa, waxa uuna carab dhabay in Somalia ay waxbadan iska bedeshay kadib dhowrkii shir ee horay uga furmay London.

”Dowlada Somalia waxan ugu hambalyeynayaa sida isku xirnaanshiyaha leh oo ay u ajiibeen shirka, waxaan rajeyneynaa in dowlada deriskeena ah ee Somalia ay si fog uga fiirsan dhaqan galinta miraha kasoo baxa shirka”

”Shirka London ee 2017 waxa uu ka duwan yahay kuwii hore waxaan saadaalinayaa in Somalia ay gali doonto jawi ka wanaagsan kii hore maadaama shirkaani uu imaaday xili ay Somalia garatay wadada wanaagsan”

Hailemariam, waxa uu tilmaamay in shirka London uu albaabada u furi doono isku soo dhawaanshiyaha Somalia iyo Caalamka, waxa uuna meesha ka saaray in shirka uu noqon doono mid ka hooseeya shirarkii hore.

Hailemariam, ayaa Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedayada Somalia ugu baaqay inaysan dayicin miraha kasoo bixi doona shirka waxa uuna dhankiisa ka balanqaaday in Ethiopia ay isgarab taagi doonto Somalia.

Haddalka Hailemariam, ayaa imaanaya xili dowladaha Ethiopia iyo Somalia ay iskala soo gudbeen marxaladihii cakirnaa ee dhanka Siyaasada.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa 

Caasimada@live.com