Muqdisho ma dib ayey u socotaa?: Maxaa Taabit ka reebay shirka London?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Berri ayaa la filayaa inuu shirka Soomaaliya ee London si rasmi ah uga furmo Magaalada London, waxaana ka qeyb geli doono shirkaas qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliya iyo Maamil Goboleedyada.

Haddaba, waxaa soo baxday arrin ceeb weyn ku ah Gobolka Banaadir, kadib markii la soo ogaaday in Maamulka Gobolka Banaadir aysan ka qeyb qaadan doonin shirkaas, iyadoo aysan jirin wax cilad ah oo hor taagan.

Gobolka Banaadir ayaa horay matalaad ahaan uga qeyb galay shirarkii New Deal-ka iyo shirkii hore lagu qabtay London, markaas oo uu ka qeyb galay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab, waxaana la is weydiinayaa sababta xilligan aanu Gobolka Banaadir uga mid aheyn maamulada shirka lagu casuuma.

Sababta ugu weyn ee keentay in Gobolka Banaadir shirkaas ka baaqdo ayaa waxaa ugu wacan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ay heystaan duruufo kala duwan oo ay kamid yihiin

  • Arrimo la xiriira dhanka socdaalka ah (Immigration), maadaama uu horay Guddoomiyaha u ahaa reer UK.
  • Culeysyo gudaha ka heysto, gaar ahaan shirarka ka dhacaya Muqdisho inay sabab u tahay in aanu ka qeyb gelin shirka London.

Hadal heyta ugu badan Magaalada Muqdisho ayaa ah inay arrimahaan sabab weyn u yihiin inuusan Thaabit ka qeybgelin shirka London, midaas waxay muujineysaa inuusan Thaabit u qalmi xilkaan, maadaama maqaamkii Muqdisho uu geyn waayey shirka London.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli  Guddoomiyeyaashii hore u soo maray Gobolka Banaadir lagu xusuustaa inay ka qeyb galeen shirarkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee ka kala dhacay London, Brussels iyo Denmark.

Guddoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir ayaa dadaal dheer ku bixin jiray sidii ay Muqdisho kaalin weyn uga qaadan laheyd shirarka looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, balse Guddoomiyaha cusub dadaalkaas kama muuqdo, maadaama uu sahal ka dhigtay ka baaqashada shirka London oo lagu tilmaamay inuu yahay mid lagu go’aamin doono mustaqbalka Soomaaliya ilaa 2021.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET