Ethiopia oo war rasmi kasoo saartay askarta Soomaalida ee la sheegay inay gobolka Tigray ka dagaalameen

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa maanta beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ciidamadeeda kula garab dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga arrimaha dibedda ee baarlamanka Soomaaliya uu shalay warqad uu u diray madaxweyne Farmaajo, taas oo looga dalbaday inuu ka jawaabo cabashada waalidiinta ee ah in caruurtooda la waayey ayaga oo ka dagaalamaya gobolka Tigray.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay usoo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti. 

Ku lug lahaanshaha ciidamada Soomaalida ee dagaalka Tigray, haddii la xaqiijiyo, waxay ka iman kartaa heshiiska saddex geesoodka ah ee ay sanadii 2018 saxiixdeen hogaamiyeyaasha Ethiopia, Somalia iyo Eritrea, kaasi oo ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka amni iyo dhaqaale, sida uu sheegay Omar Mahmood oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG).

“Mid ka mid ah natiijooyinka arrintan waxay tahay in Eritrea ay tababareyso ciidamo Soomaali ah. Waana ciidamada kuwa hadda la tuhunsan yahay inay ku jiireen dagaalka Tigray, uuna soo gaaray khasaare xooggan,” ayuu yiri Omar Mahmood.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cumaan Dubbe ayaa weriyayaasha ugu sheegay Muqdisho in wararka sheegaya in ciidan Soomaali ah lagu la’yahay Tigray ay yihiin “kuwa loo been abuuray” ujeedo siyaasadeed.