Xog: Shanta madaxweyne goboleed oo xalay shiray xilli DF ay wajaheyso cadaadis

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya iin shanta madaxweyne dowlad Goboleed ee Soomaaliya ay xalay yeesheen shir khadka taleefonka ah. 

Shirkan ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo ay ka hartay kaliya laba asbuuc, lagana cabsi qabo in firaaq maamul uu dalka ka dhaco.

Waxa uu shirka yimid kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka ay shalay iyo dorraad si kala gaar ah ay kulamo dhanka qadka Zoom-ka ula yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo musharaxiinta mucaaradka, ayaga oo xal u raadinaya muranka ka taagan qabashada doorashada Sooomaaliya.

Shirka dhanka taleefanka ee Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa looga hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan doorashada iyo inay meel-dhexe isugu yimaadaan. Madaxweynayaasha HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku xiran Villa Somalia, halka kuwa Jubaland iyo Puntland ay ku dhow yihiin musharaxiinta mucaaradka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii shir la isugu imaan lahaa, si loo xaliyo is mari waaga taagan, waxaana muuqata in dowladda Federaalka ay wajaheyso cadaadis uga imaanaya Beesha Caalamka ayna ku qasban tahay inay aqbasho wada-hadal.

Dhowaan ayaa Safiirka UK u qaabilsan QM oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxay u sheegtay in waqtiga gabagabo yahay, loona baahan yahay in la bilaabo doorashada, waxaana ay ugu baaqday in dowladda Federaalka ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah.