25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Ethiopia oo xusul duub ugu jirta ka faa’iideysiga arrin ay DF ka hurudo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay ka faa’iideysaneyso xiriir gaabiska ka dhex aloosan DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Dowlada Ethiopia ayaa la soo warinayaa inay laba jibaareyso xiriirkii kala dhexeeya maamul Goboleedyada dalka ka jira si caburin Siyaasadeed loogu sameeyo dowlada Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa iminka bilowday xiriir cusub oo ay la sameyneyso Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka, waxaana xiriirkaasi ku hor maray Hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Warar hoose ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay casuumaado kala wakhti ah u sameyneyso Hogaamiyayaasha maamulada dalka, waxaana casuumaadii ugu horeysay qaatay Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas.

Ujeedka dowlada Ethiopia ayaa ah in Khilaaf iyo Mugdi la kala dhex dhigo DFS iyo Maamul Goboleedyada, waxaana suuragal ah in Ethiopia ay ku guuleysato dadaalkeeda ku aadan kala dhantaalida xiriirka DFS iyo Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale, dowlada Ethiopia ayaa ayaa Hogaamiyayaasha u adeegsaneysa dhaqaale xoogan, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in DFS ay garwaaqsato awooda Siyaasadeed ee Ethiopia.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in qaar kamid ah Hogaamiyayaasha maamulada ay magaalada Addis Ababa u gaaran Casuumaad ay diyaarineyso Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News