Maxaad kala socotaa safaaradaha Somalia ee uu isbedelka saameyn doono?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ku guda jirta hirgalinta Isbedelada dhawaan ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Isbedelka ugu horeeya ayaa saameeyay Hay’adaha Amaanka iyo Maareeyayaasha goobaha ay kasoo xaroodan dhaqaalaha dalka sida Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Isbedelada xiga ayaa saameyn doona Safaaradaha ay dowlada Somalia ku leedahay dalalka saaxiibada la ah, iyadoo ujeedka uu yahay in dalka laga dhaqan galiyo dowlad iyo Mas’uuliyiin cusub.

Safaaradaha uu isbedelka saameyn doono ayaa waxaa kamid ah Safaarada Somalia ee Mareykanka, Imaaraadka, Ethiopia, Kenya, Yemen, Kuwait, Masar, Qahira iyo Safaarada Somalia ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa isla daadihinaaya Isbedelka lagu sameynaayo Safiirada Somalia u fadhiya dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa ay soo ifbaxday dhaliishooda.

Safiirada cusub ayaa waxaa kamid noqon doona Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia, kuwaa oo laga eegaayo dhanka shaqada, Hufnaanta iyo howl-karnimada ay u leeyihiin xilalka loo magacaabi doono.

Dhinaca kale, Isbedelkaani ayaa hirgali doona kadib markii laga soo jeesto Mas’uuliyiinta wali aan xilka laga qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com