Maxaa keenay in DF ay xilalka ka qaadi la’dahay agaasimayaasha oo aan la maqal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa lasoo warinayaa in caqabado kala duwan ay kala kulmeyso xil ka qaadista Agaasimayaasha Wasaaradaha iyo kuwa Hay’adaha kale ee dowlada.

Cabaqada ugu weyn ayaa la xaqiijiyay inay tahay in Agaasimayaasha qaar lagu magacaabay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Caqabada kale ayaa ah in Agaasimayaasha qaar lagu magacaabay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia, halka Agaasimayaasha qaar lagu magacaabay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ku magacaaban Wasaarada leh Agaasimayaash.

Agaasimayaasha qaar ayaa diidan in laga qaado xilka, iyagoo sabab ka dhigaaya in lagu magacaabay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha, isla markaana uu xilka uga degi doonin Wareegto uu soo saaray Wasiirka maamula Wasaaradaasi.

Agaasimayaasha lagu magacaabay Wareegto heer Madaxweyne ayaa waxaa xilka looga qaadi karaa keliya Wareegto Madaxweyne.

Sidoo kale, Agaasimayaasha lagu magacaabay wareegto heer Ra’isul wasaare ayaa waxaa xilka looga qaadi karaa keliya wareegto uu ku saxiixan yahay Ra’isul wasaaraha.

Waxaa wali muuqaneysa in isku dhexyaac uu ka jiro Xafiisyada dowlada qaar, waxaana caqabadahaani lagu kala furfuri karaa in Agaasime waliba xilka looga qaado Saxiixii horay loogu magacaabay.

Lama oga sida ay DFS uga baxsan doonto muranka ay keenayaan Agaasimayaasha lagu magacaabay Wareegtada kasoo baxday Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com