Sawirro: Gabadhii Jacob Zuma saameynta ku laheyd oo geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabadhan oo lagu magacaabo Ontlametse Phalatse, ayaa saameyn weyn ku laheyd shacabka dalka South Africa ka hor inta aan lasoo sheegin geerideeda.

Warbaahinta dalka South Africa ayaa aad u hadal heysa geerida Ontlametse Phalatse oo uu daashaday cudur u diiday nolosha.

Ontlametse Phalatse oo u muuqaal ek canug yar ayaa waxa ay sanad ahaan jirtaa 18, waxa ayna dhakhaatiirtu dhawaan sheegeen in Ontlametse Phalatse, aysan nolol ku gaari karin wax ka badan 15 sano.

Dadka gabadhaani Ontlametse Phalatse aadka u jeclaa ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha dalka South Africa Jacob Zuma oo tacsi ka diray geerida gabadha.

Jacob Zuma, ayaa sheegay in Ontlametse Phalatse, ay aheyd gabar niyad leh oo aan dareemi jirin inay xanuunsan tahay.

Jacob Zuma Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa ka qeybgalay xafladii ay u dabaaldagaysay gabadhan 18 sano jirka waxana uu u balan qaaday inuu siin doono baabuur.

Ontlametse Phalatse, ayaa goortii ay dhalaneysay heysatay caafimaad, balse waxa uu xanuunkaani ku dhacay dhowr sano kadib, iyadoo markii danbe u dhimatay xanuunka.