Farmaajo oo damacsan qorshe ay shacabka si weyn usoo dhoweyn doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay la imaan doonto talaabo dib loogu soo celinaayo Xuquuqda shacabka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in ujeedka dowladiisu ay tahay in la muujiyo xuquuqda ay shacbiga Soomaaliyeed ku leeyihiin dalkooda waxa uuna bidhaamiyay in mar waliba ay sareyn doonaan dadka shacabka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mugdiga ka saaray in shacbiga Soomaaliyeed aysan yeelan doonin xuquuq, waxa uuna carab dhabay in mudada uu hayo talada dalka ay sareyn doonto xuquuqda shacabka.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dowladu aysan daneyneynin Shacbiga, waxa uuna ballanqaaday in howlaha ay qaban doonto dowladu noqon doonto mid itusiyoo itaabsii ah.

Dowlada ayuu sheegay inaysan shaqeyn karin shacab la’aan waxa uuna cadeeyay in kaalinta koowaad ay siin doonaan dadka shacabka ah.

”Kaalinta koowaad waxaa noogu jira shacabka iyaga ayaan madax u nahay iyaga ayaana u shaqeyn doonaa wixii dhibaayo inaguna wey na dhibayaan”

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyan DFS oo uu sheegay inay tahay tan kaliya ay ku badbaadi karaan mar waliba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com