Faah-faahin: DAGAAL dhex-maray PSF iyo booliska PUNTLAND + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa is-rasaaseynta shalay galab ka dhacdey meel ku dhaw xarunta PSF ay ku leedahay magaalada Boosaaso, oo dhex -martay ciidamada booliska iyo kuwa PSF. 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska Boosaaso ay tageen xeebta, halkaas oo maalinta Jimcaha ah ay dadka u damaashaad tagaan, waxaana uu khilaaf dhexmaray ciidamada PSF oo inta badan ilaaliya Xeebaha Gobolka Bari. 

Rasaasta labada ciidan dhex martey ayaa sababtey dhimashada laba askeri oo ka tirsan ciidanka Booliska, dhaawaca ilaa afar qof oo shacab ah iyo qaar kamid ah ciidanka PSF oo is rasaaseynta ku dhaawacmey. Tirada guud ee dhaawaca ayaa lagu sheegay toddoba qof.

Maalin kasta oo Jimce ah waxaa xeebta Bosaso u dabaal taga dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo ku dabaasha meel ku dhaw xerada PSF, ciidanka PSF ayaa sugi jirey amniga dadka dabaalanaya xeebta, maadaama ay tahay meel aad ugu dhaw xerada.

Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in ay tageen xeebta Jimcigii ka horreeyey kii shalay, oo sidaan oo kale la isku maandhaafey laakiin aysan dhicin wax rasaas ah.

Si kastaba, Jimcihii labaad ayaa xaaladu faraha ka baxdey, markii ciidamo badan oo boolis ah halkaas tageen.

Labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martey ayaan weli ka hadlin waxa sababey arrintan iyo sida wax u dhaceen. Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadka. Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta dhalisay xiisadda.