Madaxweyne FARMAAJO oo soo saaray farriin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo caleemo saarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya ay wax badan dheertahay dalal waaweyn, markii la eego dhanka dimoqraadiyadda.

“Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed  sare u qaadday.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Macnaheedu waxay tahay, dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,  laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.”

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraalkaan soo raaciyey sawir ay gacmaha is heystaan asaga, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga qaaday xafladii caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawirkaas oo yeeshay saameyn xoog leh ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha bulshada, waxaana la barbar dhigay sawir lamid ah oo seddaxda Madaxweyne ay gacmaha is-heystaan, korna u taagayaan, kaas oo la qaaday shan sano ka hor 2017-kii, xiligaas oo Farmaajo loo caleemo saaray madaxweynaha dalka.