Faah-faahin: Qaarax maanta ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa qarax duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadadda mashquulka badan ee Maka Al-mukarama, kaasi oo dhaliyey khasaare.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Shaqaalaha oo u dhow Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu xiray Gaari uu leeyihiin Ciidamada Booliska, taasoo qaraxday xili uu halkaasi marayey.

Qaraxa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay laba qof, iyadoo Darawalkii Gaariga uu dhaawac ulus kasoo gaaray, waxana si degdega mas’uuliyadda qaraxa u sheegtay Alshabaab oo sheegtya inay ku beegsadya ciidmada dowladda.

Waa qaraxii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca Muqdisho, ayada oo qarax kale uu xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wayne, kaas oo la soo wariyey in uu qaraxa ku dhintay.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ku sugnaa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maaxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu ku dhintay isla goobta, sida ay shaaciyeen mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Maryan Maxamed oo ah marwada mas’uulka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.