Sawirro: Xarunta Salmaan oo gargaar gaarsiisay kun qoys oo ku nool degmada Kaxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa kun Qoys oo Barakacayaal ku nool Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa manta loo qeybiyay deeq raashin gargaar ah oo Xarunta Boqor Salmaan ee arimaha gargaarka iyo bani’aadamnida ay ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta xiligaan ka jirta Soomaaliya.

Raashinkan Gargaarka ah oo gaaraya ilaa 5,000 (shan kun) oo tan ayaa loogu tala galay in la gaarsiiyo in ka badan Nus Milyan qof oo ku barakacay Muqdisho iyo dhamaan gobollada dalka.

Madaxa Xarunta Boqor Salmaan, Yusuf Bin Bakhiit Al-raxma oo ka hadlay Munaasabada lagu daahfurayay bixinta gargaarkan ayaa sheegay in midani ay tahay bilow maantana ay daahfureen wajiga labaad ee deeqaha ay doonayaan inay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ku habsatay.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in gurmadkaan uu ka kooban yahay wajiyo badan oo isugu jira quudin, biyo dhaamin iyo dhismo meel deegaan u noqda dadka ay abaartu soo barakicisay.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa uga mahadceliyay dowlada Sucuudiga gargaarkan ay soo gaarsiisay dadka ay soo barakicisay Abaarta ee ku nool degmada uu Maamulo ee Kaxda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan xiligan dad hor leh oo soo gaarayay degmada maalmihii ugu dambeyay, kuwaas oo kasoo barakacay deegaanada Koofur Galbeed, ugu dambeyntii gudoomiyaha Kaxda ayaa dowlada Sacuudiga uga mahadceliyay sida ay mudnaanta u siineyso in gurmad loo fiidiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ay saameysay.

Dadkii nasiibka u yeeshay deeqdan gargaarka ah ayaa u mahadceliyay dowlada Sucuudiga iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in lasoo gaarsiiyo gurmadkan.