Baladweyne (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Baladweyne oo maanta barqadii uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah, ayaa sheegaya in ka badan 20 qof oo u badan askar in ay ku dhinteen qaraxa oo uu fuliyay ruux watay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa.
Dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa kaddib magaalada laga maqlay rasaas toos ah oo ay is-weedaarsanayeen kooxda soo weerarrtay saldhigga iyo ciidamada ammaanka.
“Dagaal muddo 30-daqiiqo soday ayaa ka socday gudaha saldhigga booliska, waxaana la maqlayay rasaas xoogag, dad badan ayaa ku dhintay, laakin tiro sax ah ma heyno, waxaana xilliga la soo weerarray saldhigga ka socday dacwado” sidaas waxaa noo sheegay goobjooge diidday magaciisa in aan xigano.
Dhinaca kale, qaraxa kaddib waxaa saldhigga soo gaaray ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasoo howlgalo ka wada xaafadaha ka dhow saldhigga.
Waxaa go’an isgaarsiinta magaalada, iyadoona xaaladda magaalada ay weli tahay mid kacsan sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

