Xogta howlgallo culus oo ka socda koonfurta MUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda howl-gallo culus oo ka dhan ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa koonfurta gobolka Mudug ka wada howl-galladaasi ka dhan ah Shabaab.

Howl-galladaan ayaa waxay si gaar ah uga socdaan dhulka miyiga ee Jowlo, Caad, Dumaaye, Dabagalo, Jeex-jeex, halkaasi oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qaar kamid ah taliyaasha ciidanka ee ku sugan goobaha furimaha ayaa sheegay in ay haatan sii baacsanayaan haraadiga kooxda ee ku sii cararaya dhulka keymaha ah ee gobolkaasi, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howl-galladaan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda ee la doonayo in guud ahaan kooxd Al-Shabaab looga saaro deegaanada gobollada Soomaaliya.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Sidoo kale waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.