Faah-faahinta khasaaraha weerarkii BUULO-MAREER

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer.

Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ayaa ka dhashay weerarkan, ayada illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix ruux oo ah kala ah rayid iyo dhinacyada dagaalamay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan.

Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka ay dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaaladaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ay gurmad siiyeen askarta ATMIS ee lagu weeraray saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

Sidoo kale ciidamo gurmad ah oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa iyaguna gaaray magaalada Buulo Mareer, kuwaasi oo la sheegay inay gurmad deg deg ah u fidinayaan ciidamada dhaawaca soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga cagta mariyeen, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahinta kooxda wax khasaare ah.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay iyo weliba “waxa ka jira” sheegashada Al-Shabaab.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.