Faahfaahin ku saabsan dagaal Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda iyo sarkaal lagu dilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa ku dhintay iska hor imaad ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha ammaanka Degmada Dharkiinley, ayaa xaqiijiyay geerida Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Mingiste, waxayna ka dambeysay geeridiisa arrimo ku aadan isqabsi dhuleed.

Iyadoo uu taagan yahay muran guri ku yaallo Degmada Dharkiinley, gaar ahaan dhanka Xaafada Kaawo Godey, ayaa Sarkaalkaan oo watay ciidamo wuxuu tagay guriga muranka uu ka taagnaa, iyadoo halkaasi ay joogeen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.

Labada ciidan ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran, kadibna taasi ay sababtay in iska hor imaad dhexmaray labada ciidan, iyadoo ugu dambeyn halkaasi uu ku dhintay Sarkaalkaasi ka tirsanaa ciidamada Militariga.

Sarkaalka dhintay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada Militariga ee ku sugan Warshada Nacnaca.

Maamulka Degmada Dharkiinley ayaanan wali ka hadlin iska hor imaadkaan dhexmaray ciidamada ka wada tirsan Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com