Daawo: Dadweyne ka bannaanbaxay Dhul ay lahaayeen oo uu kala wareegay Guddoomiyaha G/Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadweyne Soomaaliyeed oo u badan maati ayaa bannaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, iyadoo ka cabanaya dhul ay sharci ahaan u leeyihiin oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu la wareegay, kana dhigay dhul milateri.

Dadkan oo uu ka dhex muuqdeen Sheekh Maxamed Kulmiye Axmed ayaa Guddoomiyaha G/banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan ku eedeeyay in dhul ay sharci u heystaan uu sheegay inuu kala wareegay isagoo aan haba yaraatee kala tashan, markii ay xafiiska ugu tageenna uu diiday inuu qaabilo.

Wuxuu ku eedeeyey inuu Guddoomiyaha u adeegsaday awood isla markaasna uu u geystay boob Sharc darro taasiina aysan aheyn dowladnimada.