Faahfaahin ku saabsan dilka Jeneraal Yuusuf Cagey ee maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dilkii gelinkii dambe ee maanta Jeneraal Yuusuf Cali Qasaaye (Yuuuf Cagey) loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Warshadda Caanaha ee Degmada Hodan, gaar ahaan hoygii uu xaafadaasi ka deganaa Jeneraal Yuusuf Cali Qasaaye oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayan cidda dhabta ahi ee dilka gaysatay. Wararka qaar waxay sheegayan in uu gaystay Sarkaal kale oo Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, halka warar kalena ay sheegayan in dilka uu gaystay nin qurbajoogaha ka soo laabtay, horeyna uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Ninkan dilka gaystay ayaa waxaa albaabka guriga ka furtay gabar shaqaale ahayd, taasoo dilka ka dib la sheegay in ay goobtaasi ka carartay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo hoygaasi ka ag-dhawaa ayaa waxay dilka ka dib ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkii wax dilay, kaasoo iminka lagu hayo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Jeneraal Yuusuf Cagey iyo dembiilaha uu muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaxeeyay murun la xiriira lahaanshiyaha dhuleed.

Muuse Ameerikaan ayaa wuxuu damacsanaa in uu goobtaasi ka baxsado dilka ka dib, balse ay Ciidanka Xoogga Dalka ku cadaadiyeen in uu sharciga isu soo dhiibo, sidaasinta ay gacanta ugu soo dhigeen isagoo badqaba.

Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan oo dalbaday in dembiilaha lagu soo wareejiyo ayaa waxaa ka biyo diiday Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona ballanqaaday inay sharciga horkeeni doonaan.

Ma jirto wax war ah oo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ka soo saareen dilka Jeneraal Cagey loogu gaystay Magaalada Muqdisho.