Howlihii dhismaha maamulka Galmudug oo la hakiyey

Dhuusamreeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mudo todobaad ah oo ka soo bilaabatay maanta la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug, oo balanku ahaa in la guda galo toddobaadkan.

Hakinta howshii dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo af-jaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug.

Xubno ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Muqdisho laga wacay Cabdisamad Macalin Maxamuud, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, kaas oo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna.

Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna oo uu ugu horeeyo Aabihii Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Ahlu-Sunna ayaa horay dowladda federaalka ugu eedeysay inay uga baxday heshiis ay ku wada gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxayna haatan ku howlantahay dhismaha maamul ka madax banaan kan ay gar wadeenka ka tahay dowladda federaalka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta ay wasaaradda arimaha gudaha liiska 44 oday oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku wareejisay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in caawa ay kulamo xal looga gaarayo khilaafkaas ay dowladda iyo hoggaanka Ahlu-Sunna uga bilaawdeen magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta INJI oo uu ku shaqeeyo Sheekh Maxmed Shaakir oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna.